Kooxo hubeysan ayaa Alle u naxariistee ku dilay Magaalada Beledweyne ee Xatunta Gobolka Hiiraan Guddoomiye ku Xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Degmada Beledweyne ee Maamulka Hirshabeelle Cabdi Sahal Shuuriye Xuseen.
Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafada Xaawa taako ee Magaalada Beledweyne, iyada oo Kooxo dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, sida ay Risaala u sheegeen dad Goobjoogayaal ahaa.
Ciidamo katirsan kuwa Laamaha Amniga degmada Beledweyne ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Cabdi Sahal Shuuriye oo ahaa Nin dhalinyaro ah Caana ka ahaa Magaalada ayaa dilkiisa waxaa aad uga carooday inta badan Dhalinyarada Magaalada Beledweyne, iyaga oo laamaha Amniga ka codsaday in gacanta lagu soo dhigo dadkaas.