Home WARARKA Duqa Muqsosho oo war ka soo saaray Guryaha burbursan

Duqa Muqsosho oo war ka soo saaray Guryaha burbursan

35
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay kulan Wacyigelin Bulsho iyo dar-dargelinta Amniga oo lagu qabtay Degmada Shingaani ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay dadka reer Shingaani in ay ka qeyb qaataan dib-u-dhiska iyo horumarka Degmada, maadaama guulo laga gaaray dhinacyada Amniga, Waxa uuna si gaar ah ugu baaqay Mulkiilayaasha guryaha bur-bursan in ay dib u dhistaan maadaama caasimadda ay cagta saartay wadadii horumarka.

Ugu dambeentii  ,  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku amaanay Bulshada Degmada Shingaani, Maamulkooda iyo Laamaha Amniga oo is garab-sanaya sida ay ugu guuleysteen sugida Amniga, asigoona sheegay in loogu fadhiyo u dhabar adeegida iyo dar-dargelinta Amniga ka jira Degmada Shingaani. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa si adag uga horyimaadeen war-murtiyeed ay soo saareen waddamada G7 ku bahoobay, kuwaa oo kahor yimid heshiiskii dhinaca badda ahaa ee galeen Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here