Home WARARKA Duqaymo lala eegtay Xubno ka tirsan Alshabaab

Duqaymo lala eegtay Xubno ka tirsan Alshabaab

24
0

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada XDS, oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka kala dhacay goballada Galgaduud iyo Sh/dhaxe.

Howlgalka 1aad ayaa ka dhacay deegaanka Cali Hayle oo hoostaga Degmada Ruunirgood, howlgalka 2aad ayaa asna ka dhacay Deegaanka Baraak Sheikh Caamir oo hoostaga Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliska Ciidanka Xoogga dalka wuxuu xaqeejiyay in duqeyntii Cali hayle lagu gubay gaari booyad ah waxaana lagu dilay Xubno Alshabaab ka tirsan oo ilaalo ka ahaa Gaariga.

 Duqeynta labaad ka dhacday Xalay  deegaanka Baraak sheikh Caamir waxaa sidoo kale lala beegsaday gaari Cabdi bila ah oo ku sugnaa halka loo yaqaano agagaarka Hareeriga jimcaale Maxamuud.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ma aysan faah faahin khasaaraha ka dhashay duqayntaasi iyo tirada Xubnaha Alshabaab ee lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here