Home WARARKA Duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Aadan cadde oo maanta Xaniban

Duulimaadyadii Garoonka diyaaradaha Aadan cadde oo maanta Xaniban

93
0

Xaalad Adag ayaa ka taagan garoonka diyaaradaha Aadan  Cadde ee Magaalada Muqdisho taasoo u dhexeysa Shirkadaha diyaaradaha Soomaalida iyo Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumada Soomaaliya.

Waxaa gabi ahaan maanta shaqadii joojiyey shirkadaha diyaaradaha ee Gobolada u kala gooshi jirey ka dib markii la isku mari waayey dhaqan galka amar ka soo baxay Wasaarada Gaadiidka iyo duulista Hawada.

Sababta dhirkadaha Duulimaadka ay shaqada u joojiyeen ayaa ha sida la sheegay lacag dheeraad ah Wasaarada gaadiidku dul dhigtay shirkadaha iyo dadka ka dhoofaya garoonka.

Lacagtan ayaa la sheegay iney qaadeyso shirkad gaar loo leeyahay oo la sheegay iney keydineyso xogta rakaabka dayuuradaha raacaya waxaana lagu sheegay lacagtaas qofkiiba 9 dollar.

Dhamaan waxaa garoonka saaka ku xaniban boqolaal qof oo dadkii safri lahaa Gobolada dalka kadib markii loo sheegay dadka safarka ah in laga rabo lacago aysan ku talo galin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here