Home WARARKA Ehelada  Eedeysane Sayid Cali  oo Cadaalad  dalbaday

Ehelada  Eedeysane Sayid Cali  oo Cadaalad  dalbaday

45
0

Ehellada   Eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis ayaa maanta iyaga oo cabasho ah shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho iyagoo ka cabanayo waxa ka socda baraha bulshada

Ehellada ayaa sheegay inay si gaar ah uga cabanayaan qaabka ay Maxkamadda gobolka Banaadir u wajahday kiiskan, waxayna sheegeen in loo diiday ka qayb-galka dacwadda, sidoo kalena aysan ku qanacsaneyn marqaatiyeyaasha la horgeeyay Maxkamadda.

Waxaan hadda dareenay in naloo keenay dad aan cadli u ahayn marqaatiga oo ah ilmo sibyaan ah oo Luul dhaxal ku leh oo ay dhashay iyo dad aan is leenahay uma qalmaan marqaatigaas” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Maxamuud oo kamid ah ehellada eedeysanaha.

 “Gabadheena naga dhimatay ee Luul Cabdicasiis waxaan sheegeynaa in ehellada ay ka dhalatay aan isku nimid, aan wada-hadalnay, inaan xaal iyo xumeyn kala qaadanay, inaan haddane mar kale iskuugu nimid duugteEdii inaan niri gabadhaas annaga ayay naga dhimatay aan ila duugno in xoogaa nalagu xumeeyay” ayuu yiri Nabadoon Cabdi.

waxaa sidoo kale maalintii shalay shir jaraaid ku qabtay Magaalada Cadaado isla odayaal ka soo jeeda beesha saleebaan oo si la mid ah ka cabanayay in maxkamadu raali ka tahay in ehelada wiilka banaanka lagu heceliyo si aysan dacwada u dhagaysan taasina ay meel ka dhac ku tahay cadaalada iyo sumcada maxkamada.

Hadalka ka soo baxay Ehelada  Eedeysane Sayid Cali Macalin Daauud    ayaa imaanaya , ayadoo Maxkamadda Gobolka Banaadir laga sugayo go’aanka kama dambeysta ah ee ku dhowaaqtisa eedda loo haysto Sayid Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here