Sharon Barak oo ahaa wakiilka Israa’iil u joogay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka (ICJ) waxa uu Qoraal u diray Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Guddoomiyaha Maxkamadda ICC, isagoo u shaaciyey Go’aankiisa ku aadan dhamaadka Xilli- Hawleedkii u joogay Xarunta Dhexe ee Maxkamadda ICJ ee magaalladda Hague ee dalka The Netherlands.
Wargeyska Maalinlaha ee Yedioth Ahronoth Daily waxa uu shalay oo Arbaco ahayd qoray in Ergaygii Israel u matalayey Maxkamadda ICC uu isku casilay sababo khaas u ah isaga iyo Qoyskiiisa.
“Is-casilaadayda waa sababo Shaqsiyan iyo mid Qoys ahaaneed” ayuu yiri Ergaygii Israel u joogay Maxkamadda ICC.
Aharon Barak oo 87 jir ah waxa uu qeyb ka ahaa
15-kii Garsoorayaasha Maxkamadda ICC ee dhegeystay Kiiskii Dowladda South Africa ee ku eedeeyey Israel falalka Xasuuqa ee ka dhacay magaalladda Gaza ee Reer Falastiin.
Sidoo kale kale, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza waxay Tirada Guud ee dadka Falastiiniyiin ee ilaa iyo haatan lagu dilay Duqeymaha Israel waxay gaarayaan in ka badan 36,500 oo qof iyo dhaawaca Ku-dhawaad 83,000 oo qof.