Home WARARKA Falcelin ka dhalatay Shirka Itoobiya & Soomaaliya ka Furmaya dalka Turkiga

Falcelin ka dhalatay Shirka Itoobiya & Soomaaliya ka Furmaya dalka Turkiga

37
0

Iyadoo maalinta beri ah lagu wado in Dalka Turkiga uu ka furmo wadahadallo u dhaxeeya wafuud kala mataleysa Soomaaliya iyo dowladda Itoobiya, kuwaa oo kawada hadlay xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii xal looga gaari lahaa.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay in xilligan lala kulmo wadahadalna lala furo dowladda Itoobiya uu ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay madaxbannaanida Soomaaliya , waxa uuna xusay haddii ayba dhacdo in lala hadlo muhiim tahay in laga digtoonaado taakitada ay isticmaasho dowladdaasi ka dib qoraal ah oo uu soo saaray .
”Itoobiya iyadaa ku dhiiratay in ay ku xadgudubto madaxbanaannida Soomaaliya. Sidaa daraadeed ma haboonayn in miiska wadahadalka lala fariisto inta ay ka noqonayso xadgudubka, waase dhacdaa in mararka qaarkood ay kula soo gudboonaato huriwayto iyo ku qabatay, laakiin waa in Soomaaliya ka digtoonaato taaktiikada Itoobiya ee ku dhisan Istaraatiijiyada mugdigelinta (Strategic Ambiguity) iyo farsamada dhagarta (deception tactics)” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ugu baaqay dowladda Soomaaliya gaar ahaan wafdiga wadahadalka ku matalaya in ay ku adkeestaan labo arrin oo looga adkaan karo Itoobiya, kuwaa oo kala ah in marka hore Itoobiya ka laabato hesghiiskii ay Somaliland la gashay iyo in ay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah.
”Sidaa daraadeed waa in dowladda Soomaaliya ay ku adkaysataa; 1- In Itoobiya ay si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay maamulka Somaliland la saxiixatay, caddaysana in ay Soomaliland ka mid tahay Soomaaliya. 2 In ay u hoggaansato sharciga caalamiga ah iyo curfiga diblomaasiga ah oo aysan xiriirka diblomaasiga ah u gacan dhaafin Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli wadahadalada la filayo in dalka Turkiga uga furmo Soomaaliya iyo Itoobiya looga hadlayo sidii xal ay u gaari lahaayeen labada dal ayna toobiya u heli laheyd bad , si ay uga laabato heshiiskii ay Somaliland la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here