Golaha wakiilada Somaliland oo maanta laga hor akhriyey Dacwaddii ay dhawaan xeer ilaalinta Somaliland kasoo Gudbisay Xasaanada lafa Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa waxay isku raaceen in aan xilka laga qaadin amaba Maamuus ka xayuubin lagu sameyn waxaana Fadhiga Golaha Wakilada Soomaliland Gudoominayay Yaasiin Faratoon
Intii uu socday Kaldashiga Golaha Wakilada Soomaliland ayaa waxaa dagaal gacan ka hadal ah uu dhexmaray Xildhibaan Barqad Jaamac Batuun iyo Xildhibaan Jamal Cali Aadan JAAHoo ka tirsab Golaha Wakjiilada Soomaliland.
57 Xildhibaan oo fadhigan kasoo xaadiray ayaa waxa ogolaadey soo jeedinta xeer ilaaliyaha Guud ee Maamuus ka xayuubinta 3 Xildhibaan, waxaana Diiday 51 xildhibaan halka ay ka aamuseen 2 Xildhibaan
Sidaasina waxa Lagaga soo Horjeestay Dacwadii xildhibaan Maxamed Abiib laga soo Gudbiyey
shalay ayay ahayd markii Xildhibaan Maxamed Abiib lagu xiray Magaalada Hargeysa Xiili uu ka soo laabtay Safar dibada ah