Home WARARKA Ganacsato Kenyan ah oo lagu dilay Soomaaliya

Ganacsato Kenyan ah oo lagu dilay Soomaaliya

51
0

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya  6  qof oo u dhashay dalka  ayaa lagu dilay  degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose

Alshabaab ayaa  lagu Eedeeyay dilka dadkaas sidaasina waxaa sheegay guddoomiye ku xigeenka Libooye Cali Manduku.

Sidoo kale , Guddoomiye ku xigeenka Libooye wuxuu sheegay in 6da qof ee la dilay ay ka soo jeedaan gobolka Meru ee Kenya, waxayna maacuun ku iibinayeen magaalada Dhoobley.

Meydadka dadkaas ayaa la geeyay LIbooye si loo Aqoonsado bale dadkaas Kenyan ka ah ee la dilay ayaa la sheegay in Muddo ay ku ganacsayeen Suuqa degmada Dhoobley  ee gobolka  Jubada Hoose.

Lama oga  illaa  hadda sababta loo diay sida uu sheegay Manduku oo aan Faah Faahin ka bixin sida Dadkan Kenyan ah ee la dilay ay ku tageen Dhoobley iyadoo xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu xiran yahay.

Dawlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in xadka xiran yahay sanadkii 2011-kii balse dadka degan labada dhinanc ee xadka way isu tallaabaan waxaana ka dhexeeya heshiisyo ganacsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here