Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maalinta oo ku beegan 18 Agosto inay Albaabada isugu laabeen dhammaan ganacsiga Suuqyada ku yaal magaalada Muqdisho, illaa xal looga helayo cabashadooda .
Shaqo joojintan ayaa timid kaddib markii Wasaaradda Maaliyadda ay soo rogtay canshuuraha iibka loo yaqaan VAT oo laga qaadayo Merchant oo ah akoonada ganacsiga.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan xalay la qaatay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed, iyada oo kulanka diiradda lagu saarayey canshuurta gadista oo ay horey u qaadi jirtay dowladda, balse hadda lagu sameeyay casriyeyn iyo dib-u-habeyn.
Wadahadalladan ayaa la xiriiray sidii loo waafajin lahaa canshuuraha la casriyeeyay baahiyaha iyo xaaladaha kala duwan ee ganacsatada, iyadoo la tixgelinayo tabashooyinka ganacsatadu soo jeediyeen, isla markaana ay Xukuumaddu ballanqaadday in ay wax ka qaban doonto ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxat Xafiiska Ra’iisal wasaaraha .
Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ganacsatada gobolka Banaadir war ay soo saareen ku sheegeen in laga bilaabo maanta ay xireen goobahooda ganscsi, iyaga oo cabasho ka ah canshuuraha xad-dhaafka ah ee lagu soo rogay.