Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa laga soo saaray qodobo la xiriira doorashooyinka oo la doonayo la doonayo in ay dalka ka dhaacaan oo ah qof iyo cod, wuxuuna golaha u qaaday tallaabadii ugu horreysay, ayada oo weli ay taagan tahay siyaasiyiinta Mucaaradka ay ka soo horjeeda sida ay dawlada u Jiheeysa dalka .
Xubnaha golaha wasiirada ayaa meel-mariyay sharciga doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada, kaa soo qayb ka qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo inuu ku qabto doorashada qof iyo cod ah.
Tallaabada Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaaliya ay ku Ansixiyeen xeerka doorashooyinka iyo kan xisbiyada ayaa ku soo aadaya Xilli Alshabaab laga saarau degaano ku yaalla gobolada dalka welina ay joogaan degaano kale oo ka tirsan dalka oo ay ka taliyaan