Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa meelmariyey dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad ee la xiriira Iskaashiga Siyaasadda oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norwey.
Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa warbixinno ku saabsan amniga dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyaga oo soo bandhigay warbixinno la xiriira halka uu marayo howlgallada lagula dagaalamayo Alshabaab iyo Daacish iyo xasillinta amniga dalka.
Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno la xiriira safarro shaqo oo ay ku tageen dalka dibeddiisa ka dhageystay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda, Maaliyadda, Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kuwaas oo soo bandhigay guulihii ay xaqiijiyeen safarradooda.