Doorashada Madaxweynaha Iran oo goobaha cod bixinta la soo xiray xilli dambe oo xalay ah ayaa natiijada hordhaca ah waxaa ku hoggaaminaya Saeed Jalili, oo horey Iran muddo dheer ku matalayay wadahadalladii nukliyeerka ee ay kula jireen reer galbeedka , isagoo sidoo kale muddo 4 sanno ah ka shaqeynayay xafiiska hoggaamiyaha sare ee Iran , Ayatollah Ali Khamenei.
Natiijada hordhaca ah ee cododka illaa hadda la tiriyay iyo afarta musharrax ee ugu horreeya;
.Saeed Jalili: 4,266,386 cod
. Massoud Pezeshkian: 4,244,815 cod
. Mohammad Bagher Ghalibaf: 1,385,083 cod
.Mustafa Pourmohammadi: 80,506 cod