Waxaa Maalintii labaad xiran Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo Ganacsatada diidan lacagta Canshuurta Iibka oo ay soo kordhisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.
Maanta ayaa waxaa weli xiran Ganacsiga Suuqa, waxaana dadk ku sugan suuqa ay sheegeen in aysan jirin hal Goob Ganacsi oo furan, isla markaana ay haawanayaan, halka Goobaha qaar Ganacsatadii laheyd ayhortaagan yihiin.
Hadaba mid kamid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa faah faahin ka bixyay xirnaanshaha Suuqa iyo mowqifkooda ku aadan Canshuurta Iibka.