Home WARARKA DALKA Gud. Xirsi Oo Ka Hadlay Ansixinta Xeerka Doorashada Ee Baarlamaanka Somaliland.

Gud. Xirsi Oo Ka Hadlay Ansixinta Xeerka Doorashada Ee Baarlamaanka Somaliland.

93
0

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo xeerarka doorashada isasaarka ah ee Baarlamaanka Somaliland ay ansixiyeen.

Gudoomiye Xirsi ayaa qoraal uu baahiyay oo uu kaga hadlayo xeerarka doorashada ee la ansixiyay ku yidhi sidan

“Waxa aan soo dhaweynayaa xeerka doorashooyinka isasaarka ah ee ay labada gole codka aqlabiyadda ah ku ansixiyeen, waanan ku hambalyaynayaa goloyaasha shaqadaa Qaran ee ay guteen.

Doorashadu waa ay dhacaysaa, isbeddel khayr qabana waa uu imanayaa, waynnuna guulaysanaynnaa!” ayuu yidhi Gudoomiye Xirsi.

Golaha wakiilada ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashada, halka Golaha guurtiduna shalay ay sidan cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here