Home WARARKA Gudiga diyaar garowga maalmaha Xoriyada oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Gudiga diyaar garowga maalmaha Xoriyada oo kulan ku yeeshay Muqdisho

13
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya  ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juunyo iyo 1-da Luulyo mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo xubnaha guddiga ayaa sii wada kulammada aan kala go’a lahayn ee diyaargarowga xuska maalmaha qaran iyada oo kulankan ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirrada XFS, Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo u diyaargarowga todobaadka Xorriyadda oo nagu soo wajahan, taas oo ay qayb ka yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here