Home WARARKA Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay Gudi  ka  qayb qaata doodaha wax ka...

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay Gudi  ka  qayb qaata doodaha wax ka badelka Dastuur

63
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay kulan looga hadlaayo soo jeedinta ku aadan dhameestrika Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyso, kaasi oo ay ka doodayaan guddi uu dhawaan Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddigaan ayaa waxa ay sidoo kale ka shaqeyn doonaan soo diyaarinta Xulashada ugu wanaagsan ee ku haboon Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho iyo in Bulshada Gobolka Banaadir loo bandhigo soo jeedinta ku aadan dhameestrika Dastuurka ee 4-ta cutub ee ugu horeeyo, si talooyinkooda ugu biiriyaan.

Natiijada ka soo baxdo doodaha farsamo ee guddigaani iyo talooyinka laga soo aruurin doono shacabka caasimadda ayaa lala wadaagi doonaa guddiyada dastuurka iyo guddoonka labada Aqal si ay ugu saleeyaan go’aan ka gaarista dhameestirka dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here