Home WARARKA Gudoomiye Madaale oo Digniin soo saaray

Gudoomiye Madaale oo Digniin soo saaray

25
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ganacsatada ugu digay inay Caasimadda keenaan waxyaabaha maanka dooriya.

Mudane, Madaale ayaa amray in ay ganacsatada joojiyaan waxyaabaha Daraagiska ee ay soo gelinayaan gudaha magaalada, taas oo waxyeella baaxad leh ay kasoo gaartay dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hay’adaha amniga faray in ay la shaqeeyaan Ciidanka uu u xil saaray la dagaallanka anshax xumada iyo maandooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here