Home WARARKA Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Sufurow oo xilka laga qaaday

Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Sufurow oo xilka laga qaaday

46
0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa  isbeddel ku sameeyay Maamulka gobalka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Hiiraan, iyadoo isla wareegtada lagu magacaabay gudoomiye cusub.

Cadulaahi Axmed Maalin Sufurow oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa xilka laga qaaday waxaana la magacaabay  Muuse Salaad Wehliye in uu noqdo Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here