Home WARARKA Hawlgal ka dhan ah Alshabaab oo maalintii Afaraad ka socda gobolka Jubada...

Hawlgal ka dhan ah Alshabaab oo maalintii Afaraad ka socda gobolka Jubada Hoose

43
0

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidanka daraawiishta Jubbaland ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah Al Shabaab ka wada deegaanno iyo tuulooyin katirsan gobolka Jubadda Hoose.

Howlgalkan ay ciidamada huwanta ah wadaan ayaa Al Shabaab looga saaray deegaanno iyo tuulooyin ay horey u heesteen, waxaana howlgalka khasaaro badan lagu gaarsiiyay dagaallamayaasha Al Shabaab.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabduiraxmaan Yuusuf Al Cadaalada ayaa sheegay in howlgalka socda maalintii afaraad Al Shabaab looga dilay in ka badan 50-xubnood sidoo kale nolosha lagu qabtay 20-xubnood oo kale.

Dhinaca kale degaanada uu Hawlgalka uu ka socda ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa gaaray Madax ka tirsan maamulka jubland oo uu ugui horreeyo Madaxweyne ku xigeenka jubland Maxamuud Sayid aadanm oo Dhiiro geliyay Ciidanka hawlgalka ku jira uguna baaqay in Alshabaab ay ka saasaarn degaannada kale ee gobolka Jubada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here