Home WARARKA Hawlgallo maalintii labaad ka so socda degaanno ka tirsan KGS

Hawlgallo maalintii labaad ka so socda degaanno ka tirsan KGS

38
0

Waxaa Maalintii labaad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo xoogan ka wadaan degaano hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaas oo la sheegay inay dadka ku dhibaateyn jireen Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Ururka 260-aad Guutada 9-aad qaybta 60-aad fadhigiisa yahay Degmada waajid Ee Gobolka Bakool, waxaana Ciidamada ay la wareegeen deegaannada kala ah, garas-Shimbirow, walag, garas-maamow oo dhanka Koonfur beri kaga beegan Degmada Waajid.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 260-aad guutada 9-aad Labo Xidiglle Onkod Macalin Aadan isagoo sheegay in ay ka burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab deegaanadaas ku dhibaateyn jirtay shacabka Xoolo dhaqatada ah.
Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaannada hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab waxaa ay Go’doomiyeen degmooyin badan oo katirsan Gobolka Bakool, halkaas oo dadka ku nool ay dareemayaan culeys ka dhashay Go’doominta, kaas oo uu ugu weydn yahay sicir bararka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here