Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.
Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.
Waa kuma Sanbaloolshe?
Cabdullaahi Maxamed Cali, oo loo garan og yahay naaneystiisa “Sanbaloolshe” waxa 1968-kii ku dhashay degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.
Waa nin soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jira siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda.
Magaciisa waxa uu si weyn usoo shaac baxay markii loo magacaabay xilka Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, oo dad badan ay u garanayaan “NISA”.
Horay waxa uu usoo noqday wasiirka Amniga Qaranka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd, xilligaas oo dhibaatooyin badan oo dhanka amniga ah ay waddanka ka taagnaayeen.
Waxaa kale oo uu Sanbaloolshe mar soo ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay waddanka UK iyo xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Wax ka badan hal mar ayuu hoggaanka u qabtay hay’adda NISA, oo ka mid ah laamaha ugu awoodda badan ee hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Sidoo kalena, wax ka badan hal mar ayaa laga eryay xilka hay’adda NISA.
9-kii bishii July ee sanadkii 2014-kii ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaana la magacaabay xil-hayntii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sanbaloolshe xilligaas waxa uu jagadaas kala wareegay Bashiir Maxamed Jaamac.
Awood baaxad leh ayuu markaas ku dhex yeeshay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh, inta uu xilka taliyaha NISA hayayna waxaa weerar lagu qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamo taabacsan Axmed Daaci oo ahaa guddoomiye degmo iyo Cabdiwali Qanyare oo ahaa xildhibaan, waxaana ka dhashay rabshado khasaare sababay.
Hase yeeshee, dhowr bilood kaddib, Golaha Wasiirrada ayaa xilka Agaasimaha NISA ka qaaday Sanbaloolshe, waxaana lagu baddalay Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare.
Xil-hayntii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh — Sanbaloolshe waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, xilkaas oo uu sugayay wax ka badan 6 bilood ka hor intii aysan dowladda Turkiga ogolaanin in ay safiir ahaan u qaabisho.
Isaga oo safiir ah ayuu dhammaaday waqtigii xil haynta Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna u tartamay kursi xildhibaan oo doorashadiisu ka dhacday magaalada Jowhar, wuxuuna ku guuleystay kursigii uu u tartamay.
Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale 6-dii bishii April ee sanadkii 2017-kii Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe u magacaabay xilka Agaasimaha Hay’adda NISA.
Islamarkii loo magacaabay agaasimaha hay’adda nabad sugidda Soomaaliya, waxa uu la yimid qorshe loogu magac daray ‘Xasilinta Caasimadda’, waxaana la dhisay ciidammo isku dhaf ah oo loogu talagalay in ay sugaan amniga Muqdisho.
Waxaa magaalada Muqdisho gudaheeda laga mamnuucay hubka, iyada oo dadka hubeysan lagu wargaliyay in ay hubkooda dowladda kusoo wareejiyaan, balse wuxuu ahaa go’aan uu ka dhashay buuq badan, loona fasirtay in hub ka dhigis la samaynayo iyada oo aanan la heynin wax dammaanad ah oo lagu sugayo amniga dadkii hubka laga qaaday.
Balse, si la mid ah sidii hore, dhowr bilood kaddib ayay Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda xilkaas ka qaadeen 27-kii bishii October ee sanadkii 2017-kii. Lama shaacinin sababta xilka looga qaaday Sanbaloolshe.
Arrimhii ugu hadal heynta badnaa ee uu Sanbaloolshe ka hadlay waxaa ka mid ah kiiskii Qalbi Dhagax. Waxa uu xilligaas yiri: “Anigoo af duubaaya dowladda, waxaan jeclaan lahaa in xitaa madaxda sare aysan ka hadlin arrinkaas”.
Bishii Maarso ee sannadkii 2022, waxaa loo doortay kursiga xildhibaannimo ee tirsigiisu yahay HOP#058.
Waxaa u xigtay, maanta oo markii saddexaad Golaha wasiirrada Soomaaliya ay meelmariyeen magacaabistiisa taliyaha NISA, isagoo beddelaya Mahad Salaad.