Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmo ka hor uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba Beelood .
Madaxweynaha Galmudug oo halkaas ka furay gogol nabadeed ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac, isagoo kala hadlay sida ay muhiim ugu tahay in la gaaro xal deg deg ah iyo nabad waarta oo labada dhinac dhexmarta.
Madaxweynaha Galmudug ayaa hordhigay Beelaha dagaalamay sedax qodob oo oo Aasaas u ah Heshiis hordhac ah qodobadaas oo Kala ah:
1: In xabad joojinta la isla qaatay la dhaqangeliyo , iyo lala shaqeeyo Ciidamada ammaanka.
2: In la kala qaado maleeshiyaadka.
3: In dhinacyadu usoo diyaar garoobaan gogol nabadeed oo la dhigay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.
Sidookale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku guuleystay in Heshiis hordhac ah uu dhex dhigo Beelihii dagaalamay.
Ugu danbayn Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu baaqay in laga hortago cid kasta ee damacsan in dhibaato u horseedo dadaalada nabada looga hergelinayo waqooyiga gobolka Galgaduud.