Home WARARKA Hogaamiye ka tirsan Ururka Xamaas oo la dilay

Hogaamiye ka tirsan Ururka Xamaas oo la dilay

30
0

La Taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa hadal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in ku xigeenkii taliyaha guud ee guutada Al-Qassam – garabka militariga ee Xamaas, Marwan Ciise, lagu dilay weerar ay Israa’iil fulisay todobaadkii hore.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku dhawaaqday sidoo kale dilka taliye ku-xigeenkii guud ee Al-Qassam.

Xilli la rabay in dhimashada Ciise uu xaqiijiyo mid ka mid ah labada dhinac ee hawlgalka ku lugta leh, haddii ay tahay ciidamada Israa’iil ee weerarka fuliyay, ama dhaqdhaqaaqa Xamaas ee bartilmaameedka u ahaa, hadalka Sullivan ayaa loo arkaa kii ugu horreeyay ee habkaan ah.

Warka ka soo baxay Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa yimid ka dib markii raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in Israa’iil ay ku guuleysatay inay disho kumannaan ka tirsan dagaalyahannada Xamaas oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal sare, “caddaaladuna ay gaari doonto inta kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here