Home WARARKA Imaaraadka Carabta oo Xoojinaya Xiriirka  uu la leeyahay Puntland

Imaaraadka Carabta oo Xoojinaya Xiriirka  uu la leeyahay Puntland

25
0

Imaaraadka Carabta ayaa xoojinaya joogitaankiisa Puntland , xilli markii u horreysay ay wajahayso Soomaaliya loolanka xooggan oo u dhaxeeyaha siyaasadaha is diiddan ee waddamada khaliijka.

Dawlada Qatar ayaa dooneysa inay beddesho siyaasadeeda arrimaha Soomaaliya ee hadda ku eg Muqdisho, halka Sacuudiga uu dhankiisa doonaya iskaashi sare u qaadaya saameyntiisa Soomaaliya inuu la gaaro dawladda Federaalka, sida ay ku warramayaan diblomaasiyiin si dhow ula socda arrimahan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa la filaya inuu dhowaan booqasho ku tago Imaaraadka Carabta , waxaana soo baxaya surtagalnimada heshiisyo cusub oo Imaaraadka doonayo inuu la galo Puntland , si uu u xoojiyo joogitaankiisa Puntland oo haysta dhul istiraatiji ah , sidoo kalana ay ku sugan yihiin tobankii sanno ee u dambeeyay ciidamo uu tababar iyo miisaaniyadoodaba bixinayay, mid ka mid ahna heshiisyada cusub wuxuu noqon kara saldhigyo iyo mashriic uu Imaaraadku maamulayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here