In ta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacantay israsaaseyn maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Israsaaseynta ayaa saldhiga bartamaha magaalada Boosaaso taas oo dhexmaray ciidamada Booliska Puntland iyo ciidan ka tirsan PSF sida ay Warbaahinta gobolada.com ay u xaqiijiyeen dad Goob Goob joogayaal ah
Wararka ayaa sheegaya in israsaaseyntan ay dhacday ka dib markii muran ka dhashay rag ka tirsan PSF oo lagu xiray saldhiga bartamaha ee Boosaaso .
Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Baasooso iyo PSFta Puntland weli kama hadlin dhacdadaasi.