Home WARARKA Itoobiya oo Ciidamo & Gaadiid Dagaal keentay xadka Soomaaliya

Itoobiya oo Ciidamo & Gaadiid Dagaal keentay xadka Soomaaliya

28
0

Dawlada Itoobiya ayaa ciidamo badan oo Wata Gaadoodla gaashaaman ku daabushay xadka ay la wadaagto dalkeena Soomaaliya, kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri kaasoo 10,000 oo askari oo Masar ahau li keemeyso dalkeena Soomaliya .
Xiisadan ayaa timid kadib markii Itoobiya ay bilowday wajigii 5-aad ee buuxinta biyo xireen weyn oo au ka herhelineyso Webiga Niil.
Dawlada Masar sheegtay in aanay biyo ku filan ka heli doonin webiga Niil haddii la dhammeeyo biyo xidheenka, taas oo Keeneysa xaalad Adag ah oo ay wajahayaan 114 milyan oo qof oo ku nool dalkeeda.
Masar waxa ay sheegtay in uu soo dhammaaday wax kasta oo is-afgarad ah, haatana ay diyaar u tahay in ay isticmaasho awooddeeda si ay u difaacdo una ilaaliso xuquuqda iyo danaha shacabka Masar.
Hase ‘ahaayee ‘ Itoobiya oo ka duuleysa Hanjabaada uga Dawlada Masar ayaa qaaday talaabo ay arinkas uga hortageyso islamarkaana Xaduud beenaadka ay la wadaagto dalkeena Soomaaliya ay Keentay Ciidan aad u tiri badan iyo Baabuurta Gaashaaman si ay uga hortagto qorshaha dawlada Masar ee ka dhan ka ah dalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here