Home WARARKA IToobiya oo Diiday in ay ka laabato Heshiiskii ay la gashay...

IToobiya oo Diiday in ay ka laabato Heshiiskii ay la gashay Somaliland

29
0

Wada-halladii uu Turkiga dhex-dhexaadinayay ee magaalada Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, sida laga soo xigtay diblomaasiyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay Ilo diblomaasiyadeed, dowladda Itoobiya ayaa dalbanaysay in iyaga iyo Soomaaliya ay marka hore heshiis badeed galaan oo Turkigu Dhexdhexaadiye ka yahay, halka dowladda Soomaaliya sharuud ka dhigtay in marka hore Itoobiya si cad uga baxdo Heshiiskaas .
Sidoo kale Wafdiga Dawlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay gaaraan dalka Masar oo uu maanta u amba-baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Injineer Xasan Sahal Xasan oo mid ah Aqoon yahanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Wada hadalada iyo Damaca Itoobiya ee ku saabsan in ay Hesho qayb ka mid ah badda Soomaaliya .
Wejiga saddexaad ee Wada-hadalladii labada dhinac ayaa loo ballamay in la isugu soo laabto bisha soo socota, iyadoo dowladda Turkigu ku dadaalayso isu soo dhaweynta labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here