Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ay Beesha Caalamku fahantay muhiimadda ay leedahay in ay Itoobiya marin badeed si nabada ku hesho iyadoo la ilaalinyo Madax banaanida Dhuleed dalalka ay deriska la tahay .
Afhayeenka wasaaradda Arrmaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin ka qayb galka wareegga saddexaad ee wada hadallada uu Turkigu ku dhex dhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowaan sheegay in aanay bad la’aan karin dadka reer Itoobiya oo u tibaaxay in ay kor u dhaafeen120 Milyan.
Dawlada Itoobiya ayaa weli u muuqata in aysan marnaba ka tanaasuli doonin damaceeda ku aaddan raadinta marin badeed ku yaalla waddamada deriska ay la tahay gaar ahaanna kuwa ku yaalla Badda cas iyo gacanka Cadmeed
Dawladaha Soomalaiya iyo Itoobiya isku fahmi waayay qodobo ay kamid yihiin Heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland ,iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay diidmada mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa Xilli Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ee wada-hadalladaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.