Dowladda Itoobiya ayaa Digniin culus iyo Qeylo-dhaan kasoo saartay xaaladda Geeska Afrika, iyadoo ka digtay ciidamo halis gelinaya Amnigeeda Qaranka.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Diyaaradaha Xamuulka Milateriga dalka Masar oo sida Ciidamo iyo Saanad Hub ah ay shalay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Muqdisho.
War-saxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay inaysan Itoobiya gacmaha ka laaban doonin halista ku soo socota Amnigeeda Qaranka iyo in meesha looga saarayo naf-hurnimadii Ciidamada difaaca Itoobiya.
“Itoobiya waxay ka walaacsan tahay in ka guurista howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS lagu beddelayo howlgal cusub oo wata halis ku wajahan gobolka. Itoobiya gacmaha kama laaban doontoo xaaladda, iyadoo dhinacyo kale ay qaadayaan tallaabooyin ay ku khalkhal galinayaan xasilloonida gobolka” aya ka mid ahaa war-saxaafeedka dowladda Itoobiya.
“Itoobiya waxay si feejigan ula socotaa isbedellada ka socda gobolka oo khatar gelin kara amniga qarankeeda” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya”.
Itoobiya waxay sheegatay inay si hagar la’aan ah uga shaqeysay nabadda iyo amniga Soomaaliya. Waxayna xustay inay ku howlaneyd wadahadallo lagu xallinayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya.
“Halkii ay dadaallada nabadeed ka fulin lahayd, dowladda Soomaaliya waxay gacan saar la yeelatay dhinacyo dibadda ah oo ujeeddadoodu tahay inay khalkhal geliyaan gobolka” ayaa ka mid ahaa War-saxaafadeedka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo si cad loogu sheegin magaca dowladda Masar.
War-saxaafadeedka Dowladda Itoobiya waxaa lagu soo gabagabeeyay in Itoobiya aysan u dulqaadan Karin falalka halista gelinaya guulihii laga gaaray kooxaha argagixisada ah ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Qeylo dhaanta, digniinta iyo cabsida uu xambaarsan yahay War-saxaafadeedka dowladda Itoobiya ayaa muujinaya in nidaamka Abiy Ahmed ay xaalad adag kasoo wajahday Soomaaliya, kadib markii uu soo baxay inuu bilwoday dhaqan galka Heshiiska milateri ee Masar iyo Soomaaliya.