Home WARARKA Jeneraal Xasan Jaamici oo maanta Qarax lagula eegtay Muqdisho

Jeneraal Xasan Jaamici oo maanta Qarax lagula eegtay Muqdisho

41
0

Magaalada Muqdisho Waxaa Maanta Qarax lagula beegsaday  taliyihii hore ciidanka qeybta 21-aad ee xooga dalka Jeneraal Xasan Maxamed Jaamici, waxaana qaraxa ka dhashay khasaare  isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Gaari uu watay Jeneraal Xasan Jaamici ayaa lala eegtay qarax nuuca miinada ah , waxaana qaraxa ku dhintay qaar kamid ah ilaalada la socotay sarkaalkan katirsan ciidanka xoogag dalka , halka uu dhaawac culus qaraxa kasoo gaaray Xasan Jaamici.

Dhaawaca Xasan Jaamici ayaa loo qaaday  Isbitaalka Digfeer  oo ku yaalla  magaalada Muqdisho pp lagu daaweynayo .

Dhaawaca Jemeeraal xasan Jaamici ayaa la sheegay in uu aad  u culus yahay  sida ay sheegeen Ehelada Jeneraalka .

Jeneraal  Xasan Jaamici ayaa kamid ahaa saraakiisha Al Shabaab dagaalka kula galay deegaannada Galmudug, Isgoo hore u soo noqday taliyaha ciidanka qaybta 21-aad balse xilka laga qaaday waxaana uu ku sugnaa bilihii la soo dhaafay Degaanada Galmudug balse looga Magaalada Muqdisho oo Maanta Qarax lagula beegsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here