Home WARARKA Jubland oo Diiday in Ciidanka Itoobiya dalka laga saaro

Jubland oo Diiday in Ciidanka Itoobiya dalka laga saaro

50
0

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in qorshaha Dawlada Frederaalka Soomaaliya  ay dalka uga saareyso ciidanka Itoobiya ku tilmaamay xaalad adag.

Maxamuud Sayid Aadan oo haatan jooga Muqdisho ayaa sheegay in cida kaliya ee arrintaas ka faa’iideysa ay tahay Al shabaab.

“Ma ahan arrin la isku raaci karo hadda, Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waaAlshabaab ” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Juballand.

Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa horey u sheegay in haddii ay ciidamo ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya ay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda dalka ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,” ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

Hase ‘ ahaayee ‘ La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay wado qorshe ah  in dhammaan ciidamada Itoobiya ay laga saaro Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado hawlgalka ATMIS.

La taliyaha Amnoga Qatanka , oo ka hadlay X Space ay ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here