Home WARARKA Kalfadhiga 5aad ee labada Aqal baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya

Kalfadhiga 5aad ee labada Aqal baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya

71
0

Maanta oo Sabti ahi waxaa xarunta golaha shacabka ka furmaya kalfadhigga 5-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furaya kalfadhigga, isagoo ka jeedi doona khudbad la wada sugayo.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in kulanka maanta uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah, wuxuu mar kale si adag uga hadli doonaa damaca Itoobiya uga jira badda Soomaaliya iyo arrimo kale oo masiiri ah, sida dastuurka.

Dhinaca kale

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in kalfadhiyada soo socda lagu dhameystiri doono qodobbo muhiim ah oo ay ku jiraan arrimaha dastuurka.
Guddooiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha shacabka ay ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya 14 .
Sheekh Aadan Madoobe ayaa xusay in kalfadhiyadii hore lagu ansixiyay shuruuc badan kana sidoo kale sharuuc kale lagu ansixin doono.
.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here