Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qabsa doonaan Soomaaliya, haddii ciidamada ATMIS ay ka baxaan dalka, ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka ATMIS.
Ruto oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa codsaday in loo istaago oo Mareykanku hoggaamiyo qorshe looga hortegayo in Shabaab ay qabsadaan Soomaaliya.
Wuxuu si cad u sheegay in xaaladii ka dhacday Afgaanistaan mid lamid ah ay ka dhici doonto Soomaaliya, hadii aan la helin qorshe ka duwan sida ay hadda wax ku socdaan, wuxuu sheegay in nabadda Soomaaliya oo mar kale lunta ay qaribi karto guud ahaan Geeska Afrika.
Madaxweyne Ruto wuxuu khudbadaas uga codsaday Mareykanka inay soo faro-geliyaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha bixitaanka ciidanka ATMIS ee soo gabagabeynaya howlgalkoodii nabad ilaalinta, iyadoo isku filaansho amni aysan gaarin dowladda Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay.
“Anagu waxaan rabnaa in dowladda Maraykanka ay soo farageliso arrinta, si loo beddelo jihada qorshaha, talaabo deg deg haddii aan la qaadin oo ciidanka ATMIS aan kala baxno Soomaaliya, waxaa dalka la wareegi doonta argagixiso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray William Ruto.
Arintaan ayaa ku soo aadeytsa ka hor inta uu Mareykanka aadin Madaxweynaha Kenya in Magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, isagoo kala hadlay xaaladaha ku xeeran safarkaas iyo waxyaabaha uu ula tegayo madaxda Mareykanka oo casuumaad uu ka helay.
Illaa hadda ka jiro wax war ah oo ka soo baxay dawlada Soomaaliya oo looga falcelinayo hadalka Madaxweynaha Kenya ka soo baxay