Home WARARKA Khasaare ka dhashay Dab Xooggan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada...

Khasaare ka dhashay Dab Xooggan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

37
0

Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xooggan oo saaka aroortii hore xiligii salaada subax ka kacay Xarumo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Dabka ayaa ka kacay suuqa baaraha qaybta Cabadalla shideeye loo yaqaan waxana uu kacay ka dib jug weyn oo saaka laga maqlay Gudaha suuqaasi, wararka  ayaa sheegaya in walxo qarxa  lagu xiray dhisme ku yaalla suuqa uu ka dhashay dabka .

Gaadiidka dab damiska ayaa  gaaray goobta uu ka kacay dabka waxaana caqabad ku noqday Goobo ganacsi oo laga dhistay Waddooyinka Dhexmaraya Suuqaasi

Hadse’ahaatee Dabka ayaa si weyn u saameeyey  xarun ganacsi oo lagu Magacaabo Jeexow oo Suuqaasi ku  yaala waxaana uu ku faafay dhismeyaal iyo Xaymo kale oo ganacsi kale, iyadoo laga cabsi qabo inuu ku baaho qeybaha kale ee Suuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here