Home WARARKA Khasaare  ka dhashay Hoobiyaal ku soo dhacay Xaafado ka tirsan  Muqdisho

Khasaare  ka dhashay Hoobiyaal ku soo dhacay Xaafado ka tirsan  Muqdisho

46
0

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya madaafiic hoobiyeyaal ah oo xalay saqdii dhex ku dhacay xaafado iyo xarumo ku yaalla woqooyiga & bartamaha magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa daryankooda laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada xili dadka qaar ay hurdayeen kuwo kalena ay isku diyaarinayeen iney jiifka tagaan.

Goobaha ay ku soo dhaceen sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa ka mid ah xerada gaadiidka Booliska oo ku taalla degmada Shibis, xarunta dhexe ee taliska Nabad sugida Qaranka NISA ee isla degmadaas iyo xaafado ka tirsan degmada Boondheere.

ciidanka Booliska oo ka mid ahaa ciidamo ku sugan xarunta gaadiidka booliska ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha kale ee ka dhashay madaafiicdan.

laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin  madaafiicdan xalay ku dhacday qeybo ka mid ah caasimada oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso kooxda Al shabaab ee dagaalka kala so horjeeda DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here