Home WARARKA Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose

Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose

32
0

Faah Faahino  ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo lala beegsaday xero ay leeyihiin ciidamada ATMIS, halkas oo  xiligaas ay ku sugnaayeen saraakiisha amniga degmada iyo ciidamada booliska.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramagaa inuu ka dhex dhacay gudaha xerada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la og yahay  waxaa qaraxan ku geeriyooday  laba askari, oo midkood  sarkaal ahaa magaciisa lagu soo koobay Sandheere, halka ay ku dhaawacmeen saraakiil iyo askar kale oo goobta joogay.

Sidoo kale Dadka dhaawacmay waxaa kamid ah taliyaha booliska Qoryooley Cali Waal iyo Cabdikariin Cadow oo ah taliyihii hore Nabad-sugidda ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Lama oga ilaa hadda khasaare gaaray ciidamada ATMIS, mana cadda sida miinada lagu geliyay gudaha xeradooda, taas oo ay ka dhasheen su’aallo iyo tuhun aad u xoogan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan loo adeegsaday qaraxa miino, waxayna sheegtay inay ku dishay saraakiil iyo askar badan, sida ay hadalka u dhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here