Wararka degmada Dhabad ee Gobolka Galgadduud ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay maleeshiyaad hubeysan ay ka geysteen degmadaas weerar sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac Dad Shacab ah.
Maleeshiyaadka ayaa waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dad fadhiyay Goob ay Bulshada ku kulanto oo kutaalla Afaafka hore ee Bariga degmada Dhabad, waxaana rasaas taas ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ahaa halka ay ku dhaawacmeen Saddex Qof oo kale.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in maleeshiyaadkii weerarkaasi geystay ay goobta ka baxsadeen, waxaana dadka weerarkaas ku dhaawacmay la geeyay Isbitaalka degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Laamaha Amniga degmada Dhabad ee Gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin weerarkaan, hayeeshee waxaa la sheegay in uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo kajira degaannada Galmudug.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa kajira colaad beeleedyo soo laab laabtay, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ee labada maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray degaan u dhaxeeya Cabduwaaq iyo Xeraale dhimasho iyo dhaawac ku noqday in ka badan lixdan Ruux.