Home WARARKA Konteenaro ay ku jiraan Bur dhacay oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho

Konteenaro ay ku jiraan Bur dhacay oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho

46
0

Hay’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed ayaa dekadda magaalada Muqdisho ku qabatay kunteenaro ay ku jireen bur dhacay, kaa oo la doonayay in gudaha loo galiyo magaalada laguna iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho.

Agaasimaha waaxda kormeerka ilaalinta tayada waaxda suuqyada ee hay’adda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi Fiidshi ayaa sheegay in dekadda Muqdisho ku qabteen kunteenaro ay ku jireen bur uu sheegay in bishan uu dhacay .

Waxa uu sheegay Fiidshe in burka ay qabteen uu gaarayo todobo kunteenar, waxa uuna caddeeyay in burkaasi hay’adaha dowladda ka gudan doonaan waajibkooda ayna hor istaageen in magaalada la galiyo oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda Tayo Dhowrka ayaana uga digtay ganacsatada Soomaaliyeed in dalka soo galiyaan raashin iyo daawooyin dhaca oo dhibaatooyin dhalin kara, waxa ayna hayadda sheegtay ciddii raashin ama daawo dhacda dalka keenta laga qaadi doono tallaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here