Home WARARKA Konteenaro ay ku jiraan maandooriye  oo  dekadda Muqdisho lagu qabtay

Konteenaro ay ku jiraan maandooriye  oo  dekadda Muqdisho lagu qabtay

70
0

Hay’adda tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa dekadda Weyn ee Muqdisho ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuug ah kaas oo qorshuhu in lagu iibiyo Dukaamada ku yaalla Muqdisho.

Hay’adda tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa ku wareejisay Ciidanka Boliiska, si waajibaadkooda uga gutaan daroogadaan.

Hay’adda ayaa markale adkeysay in aan Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho aan laga soo deji karin gebi ahaan waxyaabaha maanka dooriyal, kuwaas oo dhibaato balaaran ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed iyo bulshada Qeybaheeda kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here