Home WARARKA Kooxo maleeshiyaad ah oo dab oo Gubay Degaanka Eji ee gobolka shabeelada...

Kooxo maleeshiyaad ah oo dab oo Gubay Degaanka Eji ee gobolka shabeelada Dhexe

76
0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in sawirka Maleeshiyo Beeleed ah ay gubeen Tuulada EJi oo ka kid ah deegaanada hoostaga degmada Mahaddaay ee gobolka shabeelada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyo Beeleed ka timid degaano ka tirsan gobolka Hiiraan Tuuladaasi ay dab qabadsiiyeen dhammaan Guryihii ku yaallay Tuuladaas ay gubteen .

Maxamuud Geedi Saneey oo ah Gudoomiyaha Tuulada Eji ee la gubay oo warbaahinta Risaala ayaa sheegay in dhamaan Hantidii taalay Tuulada ay gubatay wax ka badbaadinta aysan jirin ,iyadoo dadkii deganaa tuulooyinka ay u barakeceen degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe iyo degaannada kale ee gobolkaasi.

Hase’ahaatee ‘ Degaanka Eji ee gobolka shabeelada Dhexe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeeya dadka deganas iyo maleeshiyo beeleedyo ka yimid dehaano hoosta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kaas oo sababay isgu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here