Home WARARKA Laamaha amniga oo soo Afjaray Hawlgalkii ka socday Hotel SYL

Laamaha amniga oo soo Afjaray Hawlgalkii ka socday Hotel SYL

42
0

Ciidamada Dawlada ayaa soo Afjaray weerarkii SYL Hotel ay ku qaadeen xubno ka tirsan Alshabaab.

Weerarkan oo soo bilowday xalay Fiidkii ayaa waxa uu ku bilowday Gaari wakxaha qarxa laga soo buuxuyay oo Alshabaab ay ku qadeen hotelkaasi waxana la soo badbaadiyay Xildhibaano , Wasiiro, iyo mas’uuliyiin kale waxana ku dhaawacmay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliye Farxaan Jimcaale , Xoghayaha gobolka Banaadir Caraale iyo Wariye Xasan Cadde.

Laamaha Amniga Dawlada ayaa toogasho ku dilay 3 nin oo hubeysnaa oo ka dhax dagaalamayay Hotelka kuwaas oo ku labisnaa dareeska ciidanka Dawlada Hase’ahaatee, intii uu socday weerarka lagu qaaday hotel Syl waxaa ku dhaawacmay Taliyaha CIIdanka Haramcad Fanax balse xaalada ayaa hadda degan.

Weerarkan kii ka horeeyay ayaa waxa uu dhacay 22kii janaayo 2015kii maalin ka hor xilligaas oo wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Turkiga uu ku soo wajahnaa magaalada muqdisho .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here