Laba wasiir oo midigta-fog ah oo ka tirsan dowladda Israa’iili ayaa ku hanjabay inay ka baxayaan oo ay burburin doonaan isbahaysiga talada haya, haddii Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu uu oggolaado hindisaha xabbad-joojinta Qaza ee uu daaha ka rogay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden Jimcihii.
Wasiirka maaliyadda Bezalel Smotrich iyo wasiirka amniga qaranka Itamar Ben-Gvir ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan in la galo heshiis kasta ka hor inta aan la burburin Xamaas.
Balse hogaamiyaha mucaaradka Yair Lapid ayaa ballan qaaday in uu taageerayo dowladda haddii Mr Netanyahu uu taageero qorshaha.
Ra’iisul wasaaraha laftiisa ayaa ku adkeystay in aysan jiri doonin xabbad joojin joogto ah ilaa la burburiyo awoodda militari iyo maamul ee Xamaas, lana sii daayo dhammaan la haystayaasha.
Soo jeedinta Mr Biden oo ka kooban saddex qaybood ayaa ku bilaaban doonta xabbad joojin lix toddobaad ah oo ay ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) uga baxayaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee Qaza. Heshiiska ayaa ugu dambeyntii horseedi doona in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, “joojinta colaadaha” si joogto ah iyo qorshe weyn oo dib loogu dhisayo Qaza.
Laakiin qoraal uu Sabtidii soo dhigay baraha bulshada ayuu Mr Smotrich ku sheegay in uu Mr Netanyahu u sheegay in aanu ka mid noqon doonin hadii dawladdu ogolaata qorshaha la soo jeediyay oo soo afjaraya dagaalka iyada oo aan la burburin Xamaas oo aan soo celin dhamaan la haystayaashii”.
Isagoo heshiiska ka hadlaya ayuu Mr Ben-Gvir yiri “heshiisku wuxuu ka dhigan yahay dhammaadka dagaalka iyo ka tanaasulidda hadafkii lagu burburin lahaa Xamaas”
Waxa uu wacad ku maray in uu “dawladda la kala diri doono” intii uu ogolaan lahaa heshiiska”