[ad_1]
Lionel Messi ayaa loo soo bandhigay heshiis ku kacaya 1 bilyan o euro sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain iyadoo Barcelona ay sare u qaaday baacsiga ay ku dooneyso weeraryahanka PSG.
Messi ayaa noqon doona xiddig xor ah dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo isaga tagi doona kooxda ka dhisan caasimada France ee PSG iyada oo xiddigu qaadanayo go’aan ku saabsan mustaqbalkiisa.
Barcelona ayaa isha ku heysa inay dib ula soo saxiixato xiddiga ku guulaystay koobka adduunka kadib markii uu ka tagay kooxda sanadkii 2021 laakiin Messi ayaa miiska loo saaray heshiis uu ugu biiri karo kooxda ka ciyaarta horyaalka Saudi Pro League ee Al-Hilal.
Sida laga soo xigtay Cadena SER, kooxda Sacuudiga ayaa Messi miiska u saartay mushahar uu sanadkii ku qaadan doono lacag dhan 400 milyan oo euro iyaga oo u soo bandhigay heshiis 2 sano ah.
Sidoo kale kooxda ayaa sanadka xiga Messi miiska u saari doonta lacag dhan 500 milyan oo euro taas oo ka dhigaysa in uu 2 sano ee uu kooxdaas joogo qaadan doono lacag dhan 1 bilyan oo euro.
Dhanka kale Barcelona ayaan kooxda Al-Hilal kula tartami karin saxiixa Messi maadama ayna awood u lahayn in ay xiddigeedii hore miiska u saarto dhaqaale intaas leeg.
Related
[ad_2]
Source link