Home WARARKA Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u bilaabaya la dagaalanka Ciyaal Weerada

Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u bilaabaya la dagaalanka Ciyaal Weerada

73
0

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda  Maamulka  Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ay wehlinayaan guddoomiyayaasha degmooyinka Yaaqshiid Suleymaan Fargax iyo Guddoomiyaha degmada Heliwaa Mire Dhuxuloow ayaa kormeeray  xaafado ka mid ah labada degmo.

Ujeedka kormeerkan oo ahaa u kuur-galidda xaaladda amniga iyo habsami u socodka ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa bulshada ayaa waxaa masuuliyiintu ay ku tageen xaafado ay ka mid yihiin Suuqa Xoolaha,Soos,Tookiyo,Suuq-Bacaad,Excontrol iyo xaafado kale.

Sidoo kale masuuliyiinta uu hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir ayaa xaafadda Tookiyo Waaxda Heegan ee degmada Yaaqshiid kula kulmay bulshada deegaanka oo ay ka dhageysteen cabasho ay ka qabaan dhibaato halkaas ay ku hayaan koox ciyaal weero ah.

Ugu dambeeyntiina Maamulka  Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in ay wax badan ka qaban doonaan kooxo ciyaal weeo ah oo ku soo badanaa qaybo ka mid ah degmada Yaashqiid xassina loo taxaabi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here