Home WARARKA Madax ka tirsan Jubbaland oo booqday deegaano Al Shabaab laga saaray...

Madax ka tirsan Jubbaland oo booqday deegaano Al Shabaab laga saaray ee gobolka Jubada Hoose

51
0

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud luga Dheere oo booqday deegaanka Buulo Xaaji oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Badhaadhe ee laga saaray Al Shabaab ayaa meel fagaare ah kula hadlay shacabka degaankaas.
Waxaa Madaxweyne ku xageenku uu uga mahad celiyay dadka deegaanka sida ay usoo dhaweeyeen ciidamada geesiyada ah, isla markana ay diyaarka ugu yihiin inay ku noolaadan nolol bilaa cabsi ah kadib markii deegaankan laga saaray Alshabaab oo muddo dheer haysatay deegaanka.
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa ballanqaaday in hay’adaha kala duwan ee maamulka ay sida ugu dhakhsiyaha badan uga howlgali doonaan sidii loo hergelin lahaa Xarumo loogu adeego dadka deegaanka.
Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool goobaha wali ciidamadu ay ku wajahan yihiin inay u diyaar garoobaan soo dhawaynta wiilashooda nafta u huraya sidii nabad iyo cabsi la’aan ay ugu noolaan lahayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here