Home WARARKA Madaxda Afrika oo ku qul-qulaya Nairobi iyo Madaxweyne Xasan sheekh oo shir...

Madaxda Afrika oo ku qul-qulaya Nairobi iyo Madaxweyne Xasan sheekh oo shir uga qayb galaya

64
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta ka qaybgalaya Shirka Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Adduunka ee IDA21.

Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa lagu wadaa in uu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo arrimaha quseeyo shirka oo sida gaarka u taabanaya dhinaca Soomaaliya.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa inta uu socdo ‘Horumarinta & Maalgashiga Qaaradda Afrika si loo xoojiyo iyada oo la marayo Mashaariic horumarineed oo wayn waxaana la is dhaafsan doonnaa aragtida lagu dhalin karo hadafkaas.

Soomaaliya ayaa madasha waxa ay tagaysaa iyada oo dhammaadkii sanadkii tagay 2023 laga cafiyay dayntii waqtiga dheer saarnayd ee marna magaalo loo fadhiisanayay si loo hubiyo in ay kasoo baxday shuruudaha la hordhigay si dayntaas looga dhaafo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweye Xasan Sheekh uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Madaxtooyadu waxay sheegtay in safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo iyo mashaariic horumarineed.

Illaa toban madaxweyne oo ka socda qaaradda Afrika ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan shirkaan.

Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA) waa qayb ka mid ah Bangiga Adduunka oo caawiya dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here