Home WARARKA Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay Heshiiskii uu la galay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay Heshiiskii uu la galay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya

96
0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa ka hadlay  heshiiskii  is- Somaliland  la ay gashay dowladda Itoobiy.

Muuse Biixi oo waraysi  siiyay wargeyska Fanancial Times ayaa sheegay in Somaliland dedaal ugu jirto sidii ay aqoonsi caalamiya uga heli lahayd beesha caalamka, kaasi oo ay ku taamaysay 33-kii sannadood ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Muuse  Biixi ayaa tibaaxay in heshiiska Is-fahan ee ay la galeen Itoobiya uu Somaliland fursad u siinayo inay taageerto dedaalka caalamiga ah ee ilaalinta maraakiibta gacanka Cadmeed iyo badda cas, si looga hortago dhibaatada mararka qaar dhacda.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xusay in heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen Itoobiya uu xaqiijinayo himilada iyo tubta loo marayo sidii ay Somaliland u heli lahayd ictiraaf caalamiya , si ay u noqdaan dowlad rasmi ah.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa intaas ku daray in aqoonsigu uu u horseedi lahaa inay Somailand kasbato maalgelin dheeraad ah, iyadoo dhaqaalaha hadda soo gala oo ah $3.4 Bilyan Doolar uu ka soo galo Somaliland ganacsiga badda, xawaaladaha iyo dhoofka xoolaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaa meesha ka saaray  eedeymaha ay dowladda Soomaaliya u jeedisay heshiiska ay la galeen Itoobiya, waxa uuna wax aan raad laheyn ku tilmaamay in heshiiska ay galeen kordhinayo kooxaha xagjirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here