Home WARARKA Madaxweyne BIIXI oo diray hanjabaad culus – “Dagaalku joogsan maayo”

Madaxweyne BIIXI oo diray hanjabaad culus – “Dagaalku joogsan maayo”

17
0

[ad_1]

Hargeysa (soomaalinews.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta boqalaal dadweyne ah oo isugu soo baxay magaalada Hargeysa si ay ugu dabaal-deggaan xuska 18 May ee aas aaska Somaliland ayaa khudbad u jeediyay, wuxuuna ka hadlay arimo dhowr ah dagaalka xoogan weli ka socda gudaha magaalada Laascaanood.

Muuse Biixi ayaa wacad ku maray in ay si wadi doonaan, isla-markaana xukuumaddiisa aysan ka tanaasuli doonin taako kamid ah dhulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hanjabay in dagaalka uusan joogsan dooneyn, inta ay ka hortagayaan cadow uu sheegay inuu ku soo duulay Somaliland.

“Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan dheel-dheel ka ahayn dagaalkan, isla-markaana ay xoreyn doono dhulka Somaliland, sida uu ku dooday

“Ragga dheel-dheelayow dagaalku wuu soconayaa inta uu doono ha qaato, dhiigga ragga ha daato, dalkana waa xoreyneynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu farriin culus u diray xubnaha beesha caalamka, isaga oo sheegay inuu macaamil wanaagsan kala dhexeeyo, balse aysan aqbali doonin inay faro-geliyaan.

“Dowladaha caalamka cid walba nabad ayaan u haynaa, talada annagaa iska leh, laakiin nama maamuli kartiin,” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha Somaliland.

Hadalkan ayaa uga sii daraya colaadda Laascaanood oo qaadatay dhowr bilood oo xiriir ah, waxaana sidoo kale fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu keeno labada dhinac.



[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here