Home WARARKA Madaxweyne hore Farmaajo oo ka hadlayay weerkii ka dhacay Muqdisho oo ku...

Madaxweyne hore Farmaajo oo ka hadlayay weerkii ka dhacay Muqdisho oo ku baaqay in Alshabaab loo midoobo la dagaalankooda

41
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay weerarkii xalay Al Shabaab ay ka geysteen xeebta Liido, waxa uu tacsi u diray ehelada dadkii xalay ku dhintay weerarka, waxa uuna caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawacmay
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweyne hore Farmaajo ayaa u qornaa sidaa:
Shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed oo idil waxaan uga tacsiyeynayaa dadkeenna ku shahiiday weerarka argagixisanimo ka dhacay Caasimadda Muqdisho.
Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la’aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed.
Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga.
Alle ha caafiyo muwaadiniinta ay soo gaareen dhaawacyadu, marxuumiinta biri ma geydada ah ee ina ka shahiidayna hoygooda ha ka yeelo Jannatul Firdowsa.
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here